Muqdisho ( Sh. M. Network )-Waxaa xalay tartan aqooneedka faca weyn ee Shabelle ku loo lamay degmooyinka Xamarjajab iyo Warta Nabadda ee gobolka Banaadir.

Labada degmo ayaa xalay isku arkay kulanka labaad ee wareega Sama-Final-ka tartanka, iyagoona soo bandhigay tartan xiiso badan.

Hayeeshee waxaa ay guushu raacday tartamayaasha degmada Xamarjajab oo la yimid 12 dhibcood, halka Warta Nabadda ay keensatay 10 buundo.

Sidaasina waxaa xalay wareega Final-ka ugu gudubtay degmada Xamarjajab ee gobolka Banaadir.

Sidoo kale degmada Warta Nabadda ayaa leh rajo kale, iyadoona caawa u tartami doonto kaalinta 3-aad ee tartanka, waxaana ay ku dhici doontaa dhiggeeda degmada Boondheere.

Habeen dambe waxaa wareega final-ka isku hardin doono degmooyinka Cabdicasiis iyo Xamarjajab oo nasiib u yeeshay in ay u soo gudbaan wareegan.

Taaba gelinta sanadkan tartan aqooneedka Shabelle waa Jaamacadda Jobkey, halka Su’aal diyaarintuna uu yahay Adult Commercial Secondary School.