Jamaame (Sh. M. Network)-Wararka laga helayo Gobolka Jubbada Dhexe ayaa ku soo warramaya in Al Shabaab maanta ka fuliyeen halkaasi Xukun dil ah oo horay ay ugu rideen Labo Nin oo ay ku eedeeyeen in ay ahaayeen Basaasiin u adeega Maamulka Jubbaland.

Fagaaro ku yaalla degmad Jamaame ee Gobolka Jubbada Dhexe ayaa waxa ay ku toogteen Al Shabaab labadani Nin oo lagu kala Magacaabi jiray Ibraahim Abuukar Farxaan oo 27 jir ahaa iyo Saciid Axmed Maxamed oo 26 jir ahaa.

Xakinka Maxkamadda Al Shabaab ayaa sheegay in Ragga ay toogteen ay sirdoon u ahaayeen Maamulka Jubbaland, waxaana ka qeyb galay fulinta xukunkaas Saraakiil ka tirsan Xarakada Al Shabaab iyo qaar ka mid ah  Dadweynaha ku nool Degmada Jamaame oo u soo daawasho tagay Fagaaraha lagu toogtay Raggaasi.

Inta badan Al Shabaab ayaa ku fuliya Xukunada ceynkaan oo kala ah Dadka ay ku eedeeyaan in ay yihiin Basaasiin warbixinno ka dirayay deegaanada ay ka arrimiyaan.

Ka Dhiibo Fikirkaada Saliim-ka Ah

Please enter your comment!
Please enter your name here