Afgooye (Sh. M. Network)-Wararka laga helayo Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa ku soo waramaya in xalay dagaalyahano ka tirsan Al Shabaab ay weeraro ku qaadeen fariisimo ciidamada dowladda ay ku leeyihiin degmadaasi.

Sida dadka deegaanka ay u xaqiijiyeen Idaacadda Shabelle Tiro 3 jeer ah waxaa ay weeraro ku soo celceliyeen dhowr fariisin oo ay ciidamada dowaldda ku leeyihiin Magaalada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Dagaal saacado qaatay ayaa la sheegay in Al Shabaab iyo Ciidanka dowladda uu ku dhexmaray halkaasi, lamana oga ilaa iyo hada khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dagaalkaasi.

Saraakiisha ciidamada dowladda oo aan la xariirnay ayaa ka gaabsaday in ay faah faahin ka bixiyaan weeraradaasi, waxaana ay sheegeen in baaritaano ay wadaan, islamarkaana saacadaha soo socda ay ka warbixin doonaan dagaalkaasi.