Muqdisho (Sh. M. Network)-Ra’isul wasaare ku xigeenka Dalka Mahadi Maxamed Guuleed ayaa waxa uu maanta daah furay xarunta dhexe ee maamulka Internetka, halkaas oo uu sheegay in hay’adaha dowladdu ka heli doonaan Internet Lacag la’aan ah.

Waxaana uu hoosta ka xariiqay ra’isul wasaare ku xigeenku in xukuumadda Soomaaliya mudo kadib ay ku guuleysatay Hirgelinta xarunta maamulka Internetka ee dowladda.

isagoo muujiyay in ay sii wadi doonaan waxqabadkooda ku aadan dib u soo celinta Adeegyada muhiimka u ah Bulshada iyo dowladda.

Sidookale ra’isul wasaare ku xigeenka ayaa tilmaamay in dhamaan hay’adaha dowladda Adeega Internetka ay ka qaadan doonaan xarunta dhexe ee maamulka Internetka, si loo dardar galiyo shaqada hay’adaha kala duwan ee dowladda Soomaaliya.

Xukuumadda ra’isul wasaare Kheyre ayaa horay ugu Guuleysatay hirgelinta xarumo ay dowladu lahayd oo ay ka mid yihiin xarunta Wasaaradda Hidaha iyo Tacliinta Sare iyo xarunta Jaamacaddii hore ee Gahayr oo dhawaan laga saaray Ciidamada AMISOM oo in muda ah degenaa Jaamacadaasi.

Halkaan hoose ka daawo Sawirrada:-