Muqdisho ( Sh. M. Network )-Kulan ay maanta Muqdisho ku yeesheen golaha wasiirada xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa looga hadlay dhibaatadii xanuunka iyo muragada badnayd ee ka dhalatay weerarkii 14 October 2017-kii lala eegtay Isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho.

Xunbaha golaha wasiirrada ayaa falanqayn kadib waxa ay isku raaceen in xasuus qaran loo sameeyo dadkii ku dhintay weerarkaas arxan darrada ahaa, iyo in la caawiyo dadkii ku dhaawacmay, eheladii dadkii wax ku noqday iyo dadkii ku hanti beelay.

Kulankaan oo uu guddoomiyay ra’iisul wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Mahdi Maxamed Guuled (Khadar) ayaa sidoo kale looga dooday in maalinta 14-0ctober loo aqoonsado maalin qaran oo lagu xasuusto dhammaan dadkii ku waxyeeloobay qaraxaasi.

Dhinaca kale golaha wasiirrada Soomaaliya ayaa ka hadlay arrimo ku aadan dardar-gelinta barnaamijka is-xilqaan oo lagu dhisayo xarumaha danta guud iyo wadooyinka si loo soo nooleeyo bilicda dalka iyo haybadda qarannimo.

Wasiiru dawlaha xafiiska ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Cabdullaahi Maxamuud Xaamud oo ka war bixiyay qodobadii shirka looga hadlay ayaa sheegay in ganacsatada Soomaaliyeed ay ku hawlanyihiin bixinta qayb kamid ah hantidooda si ay uga qayb qaataan fulinta dhammaaan qorshayaasha lagu xusay Barnaamijka is-xilqaan, loogana maarmo kaalmo shisheeye.

Wasiir Xaamud ayaa sheegay in gacanta lagu hayo laba milyan oo dollar oo ay bixiyeen mawaadiniin Soomaaliyeed, laguna billaabayo dhismaha Madxafka oo todobaadka soo socda dhismihiisa uu dhagax dhigayo madaxwayne Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) .

Dawladda Soomaaliya oo dardar-gelinaysa soo kabashada dawladnimada, adkaynta midnimada iyo kou u qaadidda karaamada ummadda Soomaaliyeed ayaa Barnaamijka Is-xilqaan ugu tala gashay in lagu dhiso dhammaan xarumaha danta guud iyada oo la adeegsanayo hantida, waqtiga iyo quwadda ummadda Soomaaliyeed.