Muqdisho ( Sh. M. Network )-Wasiirka Batroolka iyo Macdanta xukuumadda federaalka Soomaaliya C/rashiid Maxamed Axmed oo u warramayay Warbaahinta ayaa ka hadlay warar muddooyinkii dambe la’isla dhexmarayay, kuwaas oo sheegayay in dowladda Soomaaliya ay heshiis Shidaal baaris ah la gashay dowladda Norway.

Ugu horreyn wasiirka ayaa beeniyay in wax heshiis ah oo ku aadan shidaal baaris ay la gaareen dowladda Norway, balse waxa uu sheegay in ay kala hadleen in arrimo la xariira tababar siinta  shaqaalaha Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya.

Sidoo kale waxa uu intaasi ku daray in isagu dalka Norway uu u tagay arrimo la xariira sidii ay u gacan siin laheyd dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Halkan hoose ka Akhriso:-