Muqdisho ( Sh. M. Network )-Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Xukuumadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad oosharaxaad ka bixiyay waxyaabaha uu Salka ku hayo go’aanka siyaasadeed ee ay ka qaateen khilaafka u dhexeeya dowladaha Sucuudiga iyo Canada ayaa beeniyay in lagu cadaadiyay in ay qaataan go’aankaasi,

Wasiirka ayaa sheegay in aysan muuqanin xilligan dowlad ama urur Siyaasadeed oo dowladda Soomaaliyeed ku cadaadin kara go’aano Siyaasadeed oo aysan iyagu u bareerin, isaga oo tilmaamay in ay madaxda dalka ka wada hadleen go’aanka uga aadanaa khilaafka dowladaha Sucuudiga iyo Canada, kadibna ay mowqifkooda Cadeeyeen,

Hadalka Wasiirka Arimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa imaanaya, xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka Sucuudiga iyo Canada, waxaana xusid mudan in ay kala rarteen Safaaradihii labadaasi dowladood, Sucuudiguna Muwaadiniintiisa uga digay in ay u safraan dalka Canada.