Kismaayo ( Sh. M. Network )-Wararka laga helayo gobolka Jubbada hoose ayaa sheegaya in xiisad u dhaxeysa Ciidamo ka wada tirsan kuwa maamulka Jubbaland ay ka taagan tahay duleedka magaalada Kismaayo ee xarunta gobolkaasi.

Xiisada ayaa la sheegay in ay ka dhalatay muran dhul ku yaalla deegaanka Siinaay ee gobolka Jubbada Hoose.

Waxaana Xalay deegaankaasi ka dhacay dagaal u dhaxeeyay Ciidamo ka wada tirsan kuwa Jubbaland, iyadoona khasaaro kala duwan uu ka dhashay dagaalkaasi.

Deegaanka Siinaay ee duleedka Kismaayo ayaana Saakay laga dareemayo dhaq dhaqaaq xoogan oo halkaasi ay ka wadaan Ciidamadaasi.

Qaar ka mid ah mas’uuliyiinta Jubbaland ayaa lagu soo warramayaa in ay wadaan dadaallo nabadeed oo looga hortagayo dagaalkaasi, si looga hortago xiisadaasi.

Balse xaaladda ayaa weli ah mid kacssan, iyadoona dadka deegaanku ay baqdin ka muujinayaan in dagaallo ay ka dhacaan halkaasi.