Balanbale ( Sh. M. Network )-Xiisad dagaal oo salka ku heysa dilal la xariira aanooyin Qabiil ayaa lagu soo warramayaa in saakay ay ka taagan degmada Balanbale ee G/ Galgaduud.

Waxaana la sheegay in xiisadan ay u dhexeyso Beelo walaalo ah oo wada daga nawaaxiga degmadaasi.

Guddoomiyaha degmada Balanbale Xuseen Liibaan Warsame oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay xiisadan ay soo jiitameysa muddo dheer, islamarkaana ay ku qotonto dilal ka dhacay halkaasi.

Sidoo kale guddoomiyaha ayaa xusay in haatan ay wadaan dadaallo looga hortagayo colaadaasi, islamarkaana ay gacanta ku dhigeen nin horay dil uga geystay degmadaasi.

Dagaal Beeleedyada ka dhaca gobolka Galgaduud ayaa had iyo jeer soo laa laabta, kuwaas oo ay waxyeelada ugu badan ka soo gaarto dadka rayidka ah ee ku dhaqan gobolkaasi.