Muqdisho ( Sh. M. Network )-Xaalad kacsanaan ah ayaa lagu soo warramayaa in maanta ay ka taagan tahay xaafadda Baar-Ubax degmada howlwadaag ee gobolkan Banaadir.

Xiisadan oo ah mid xoogan ayaa waxaa la sheegay in ay u dhexeyso darawallada Gaadiidka BL-ka ee ka howlgala Busteejada laga raaco Gawaarida aada Oodweyne oo ku taalla xaafadaasi.

Waxaana xiisadu ay timid, kadib markii ay shacabka ku dhaqan Baar-Ubax codsadeen in Busteejada laga raro halkaasi, balse ay ku gacan seereen darawalladu, taas oo sababtay shaqaaqo xoogan ay dhex marto labada dhinac.

Wariye Madax banaan oo ku sugan halkaasi ayaa Shabelle uga warramay, sida ay wax u dhaceen.

Halkan hoose ka dhageyso Codka.