Muqdisho ( Sh. M. Network )-Waxaa Maalintii 2-aad uu hakad ku jiraa dhaq dhaqaaqii Ganacsi ee Suuqa Cali Ugaas oo ku yaalla Xaafadda Xoosh ee degmada Dharkenley halkaas oo xiisad xoogan ay ka taagan tahay.

Xiisadaan ayaa ka dhalatay kadib markii Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Federaalka Soomaaliya ay howlo bur burin ah ka billaabeen  Suuqaasi iyadoona iska hor’imaad dhex maray  Ciidamo ka wada tirsan kuwa dowladda ay ku dhinteen illaa 2 Askari.

Mid ka mid ah Ganacsatada Suuqaas oo aan wax ka weydiinayay ayaa Shabelle faah faahin ka siiyay xiisadda ka taagan suuqa iyo waxa ay salka ku heyso.

Dhinaca kale qaar ka mid ah dadka ka howlgala suuqaasi ayaa sheegay in Rasaas Khasaaro sababtay ay Huwiyeen Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya Ganacsatada Xoolaha nool ku kala Baayac Mushtara ee Suuqaas.

Waxaa Labadii Maalin ee la soo dhaafay istaagay Kala iibsiga Xoolaha ee Suuqa Cali Ugaas loo yaqaanno ee degmada Dharkenley sababo ku aadan xiisadda weli halkaas ka taagan oo salka ku heysa sida Ganacsatadaasi sheegeen in la doonayo in xoog looga raro gebi ahaan suuqaasi.

Maamulka degmada Dharkenley ayaan weli war rasmi ah aan ka soo saarin Xiisadda ka taagan suuqa Cali Ugaas ee Xaafadda Xoosh xilli la sheegay in ay ku lug leeyihiin arrimaha haatan ka taagan suuqaasi.