Laascaanood (Sh. M. Network)-Xiisado Dagaal ayaa saaka waxa ay ka taagan yihiin deegaanada Sool iyo Sanaag, kadib markii ay ku dagaalameen Ciidamo kala taabacsan Maamullada Soomaaliland iyo Khaatumo.

Wararka ayaa sheegaya in xiisadahani ay Salka ku hayaan, kadib markii Masuuliyiin ka tirsan Maamulka Soomaaliland shalay ay geeyeen deegaanada Sool iyo Sanaag Kaararka lagu codeeyo iyo Sanaadiiqdooda intaba.

Waxaana arrintaas si weyn uga hor yimid Maamulka Khaatumo, islamarkaana halkaas uu ku dhexmaray Ciidamo kala taabacsan labadaasi Maamul dagaal xoogan oo ka dhacay qeybo ka mid ah Sool iyo Sanaag .

Xiisadda xoogeeda ayaa saaka laga soo sheegayaa deegaan lagu Magacaabo Xudur oo dhaca Gobolka Sool , iyadoona deegaankaasi laga dareemayo Barakac xoogan oo ay sameynayaan shacabkii ku noolaa deegaankaasi.

Ilo deegaanka ah ayaa xaqiijiyay in Ciidamo ka tirsan Maamulka Soomaaliland ay soo buux dhaafiyeen duleedka qeybo ka mid ah Gobollada Sool iyo Sanaag.

Guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Maamulka Khaatumo Yuusuf Ismaaciil oo u warramay Idaacadda Shabelle ayaa sheegay in marnaba aysan ka ogolaan doonin Maamulkooda , dhaq dhaqaaqyada Siyaasadeed ee Soomaaliland ay ka wado dhulkooda sida uu hadalka u dhigay.

Dhinacakale Guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Khaatumo ayaa gaashaanka u daruuray in Ciidamo ka tirsan kuwa Maamulka Puntland ay ka bar bar dagaalameen Ciidamada Maamulka Khaatumo ee gulufka uu kala dhexeeyay kuwa Soomaaliland.

Waxaana uu hoosta ka xariiqay in Khaatumo uu yahay Maamulka Isku Filan, islamarkaana ay ka hortagi doonaan cid kasta oo ku soo gardarroota Maamulkooda sida uu yiri.

Xiisadahaan ayaa imaanaya, iyadoo Maamulka Soomaaliland uu ku guda jiro diyaar Garow xoogan oo ku aadan doorashada Madaxweyne ee Maamulkaasi.