Muqdisho ( Sh. M. Network )-Xildhibaan Sheekh Aadan Maxamed Nuur “Aadan Madoobe” oo ka mid ah Musharraxiinta u taagan qabashada xilka guddoomiyaha koobaad ee Golaha Shacabka ayaa sheegay in fursad taariikhi ah ay hortaalo Baarlamaanka Soomaaliya.

Waxaana uu ugu baaqay in ay doortaan guddoomiye hoggaamin kara Baarlamaanka, waxna qaban kara.

Sidoo kale Musharrax Aadan Madoobe oo horay u soo noqday guddoomiyaha BFS, xilligii KMG ayaa Xildhibaanada Golaha Shacabka ka codsaday in ay siiyaan codkooda.

Halkan hoose ka dhageyso Codka.