Dhuusamareeb ( Sh. M. Network )-Waxaa Barqanimadii maanta magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug lagu qabtay doorashada Kursi ka banaanaa Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Doorashada oo ahayd mid xasaasi ah ayaa waxaa ku tartamay illaa 3 Musharrax oo kala ahaa Cabdulaahi Faarax Wehliye, Maxamed Cilmi Afrax iyo Cabdulle Faarax Xirsi.

Musharrax C/laahi Faarax Wehliye ayaana ku guuleystay doorashadaasi oo helay 28 Cod, halka Maxamed Cilmi Afrax uu helay 17 Cod, sidoo kale Cabdulle Faarax Xirsi ayaa isna helay 3 Cod, waxaana xumaaday illaa 3 Cod, sida ay ku dhawaaqday guddoomiyaha guddiga doorshooyinka Qaranka Xaliimo Yarey.

Wehliye ayaa sidoo kale ah Wasiiru dowlaha Wasaaradda arrimaha gudaha ee Xuukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya.

Kursigan oo uu ku guuleystayna waxaa horay uga Geeriyooday Marxuum Bootaan Ciise Caalim oo ka mid ahaa Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya.