Muqdisho (Sh. M. Network)-Guddoomiyaha guddiga dib u heshiisiinta iyo Hanti isu celinta Baarlamaanka Soomaaliya Xildhibaan Maxamed Cabdi Gaandi ayaa sheegay in Muhiim ay tahay Dib u heshiisiinta loo sameynayo Umadda Soomaaliyeed in lagu daro xubnaha Xarkada Al Shabaab.

Xildhibaan Gaandi ayaa sidookale kula dardaarmay Wasaaradda Arrimaha Gudaha hanaanka Dib u heshiisiinta ay wado in aan looga maarmin maamulka Soomaaliland, si loo helo Maslaxadda Umadda Soomaaliyeed.

Waxa uu Muujiyay xildhibaanku in Shacabka Soomaaliyeed eysan is dagaalsaneyn, balse la’isku fahmi la’yahay Arrimaha Siyaasadda.

Hadlkaan ayuu ka jeediyay Guddoomiyaha guddiga dib u heshiisiinta iyo Hanti isu celinta Baarlamaanka Xildhibaan Maxamed Cabdi Gaandi, isagoo ka qeyb galayay Wajiga 2 aad ee shirka Dib u heshiisiinta Qaran oo maanta ka furmay Magaalada Muqdisho.