Muqdisho ( Sh. M. Network )-Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax Miino oo goor dhow ka dhacay deegaanka Xaawa Cabdi ee duleedka magaalada Muqdisho.

Qaraxan oo ahaa mid xoogan ayaa waxaa la sheegay in lala eegtay kolonyo ay la socdeen Xildhibaan Abuukar Cabdulle Garmaqaate oo ka mid ah Mudanayaasha Baarlamaanka maamulka K/ Galbeed iyo taliyaha Saldhigga Booliska degmada Afgooye, kuwaas oo ka ambabxay gudaha magaalada Muqdosho.

Waxa lagu soo warramayaa in mas’uuliyiintaasi ay ka badbaadeen qaraxa, balse ay waxyeelo ka soo gaartay, sida la sheegay Askar ilaalo u aheyd xubnahaasi.

Guddoomiye ku xigeenkii hore ee dhinaca amniga maamulka deegaanka Lafoole oo la hadlay Shabelle ayaa ka warbixiyay qaraxaasi.

Halkan hoose ka dhageyso Codka.