Cadaado ( Sh. M. Network )-Isagoo u warramayay Idaacadda Shabelle ee magaalada Muqdishoi Xildhibaan Bile Salaad Diini oo ka tirsan Baarlamaanka Galmudug ayaa waxa uu sheegay in madaxweynaha maamulkaasi Axmed Ducaale Gelle Xaaf uu gabi ahaan Afduubtay howlihii iyo go’aanadii uu Baarlamaanku lahaa.

Xildhibaan Bile Salaad ayaa tilmaamay in Madaxweyne Xaaf uu iska gaarayo go’aano oo aan wax wadatashi ah kala samynin Baarlamaanka Galmudug.

Waxaana uu xusay in taasi ay jabineyso xeer hoosaadka u yaalla Galmudug, isagoona intaasi ku daray in qorshe kasto oo lagu soo biirinayo maamulka lagama maarmaan ay tahy in la soo marsiiyo Baarlamaanka.

Sidoo kale waxa uu intaasi raciyay in Xildhibaano sharci darro ah lagu soo biirinayo Baarlamaanka Galmudug, kuwaasi oo ka socda Ahlusunna Waljamaaca, sida u hadalka u dhigay.

Halkan hoose ka dhageyso Codka.