Wararka laga helay Dilka Xildhibaanka katirsanaa Baarlamaanka Galmudug ee lagu magacaabo Maxamed Cabdi Guuleed ayaa sheegaya inay ahayd Shil ku Saleysan kala Shaki dhexmaray Isaga iyo Ilaalada Xildhibaan Maxamuud Abuukaato,

Maxamed Cabdi Guuleed  oo ah Xildhibaanka Geeriyooday ayaa isaga oo watay Gaari Nooca Raaxada ah kuna Sugnaa Wadada Maka Al-Mukarama waxa uu ku dhawaaday Gaariga Xildhibaan Abuukaare oo ay Ilaaladiisa la Saarnaayeen,

Wararka ayaa sheegaya in Ilaaladii ay ku yiraahdeen Marxuum Guuleed Naga Fogow kadibna uu la Baxay Baastooladiisa taasi oo keentay inuu bato Shakiga Ilaaladu ka Qabeen Maxamed Cabdi Guuleed Halkaasi oo Rasaas ay ku fuleen isaga oo dhaawac ah looga qaaday kadibna uu Goobaha Caasimaadka ku dhintay,

Xildhibvaan Maxamuud Abukaaro oo ay la Xiriirtay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay inay Arinta Dhimashada Xildhibaanka Galmudug keentay inay ahayd Shil iyo kala shaki oo aysan jirin Sabab kale,

Kala shakiga u dhexeeya Ciidamada DOwlada iyo Madaxda Dowlada iyo Dowlad Goboleedyada Dalka ayaa ku soo badanaya Magaalada Muqdisho waxaana dhowr jeer kala shaki Noocan oo kale ah uu ka dhacay Magaalada Muqdisho,