Mumbai ( Sh. M. Network )-Waxa xalay dalka Hindiya ku geeriyooday Marxuum Bootaan Ciise Caalin oo ka tirsanaa Xildhibaanada Golaha Shacabka.

Xildhibaanka oo indhawaanahan arrimo caafimaad u joogay dalka Hindiya ayaa xalay ku geeriyooday Isbitaal ku yaalla dalkaasi, sida ay xaqiijiyeen qaar ka mid ah Ehellada Marxuumka.

Alle ha unaxariistee Xildhibaan Bootaan Ciise Caalin ayaa in muddo ahaa Xildhibaan ka tirsanaa Baarlamaanka Soomaaliya, waxaana geeridiisa ka tacsiyeeyay Mudanayaal ka tirsan Golaha Shacabka.

Cabdi Maxamed Suldaan Axmed Nuur oo si weyn u garanayay Marxuumka, lana hadlay Idaacadda Shabelle ayaa ka warramay taariikhda iyo waxa uu ka yaqiinay Bootaan Ciise Caalin.

Halkaan hoose ka dhageyso Codka.