Muqdisho ( Sh. M. Network )-Xildhibaanada Golaha Aqalka Sare ayaa maanta kulan gaar ah la qaatay madaxda Maamul Goboleedyada Dalka, kuwaas oo maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa Magaalada Muqdisho.

Ugu horreyn Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Aqalka Sare Abshir Maxamed Axmed “Bukhaari” ayaa soo dhaweyn kadib faah faahino ka siiyay madaxda Dowlad Goboleedyada caqabadaha heysta Golaha Aqalka Sare.

Waxaana uu sheegay in wax Miisaaniyad ah uusan ku shaqeyn sanadkan Aqalka Sare, sidaa darteedna loo baahan yahay in laga wada shaqeeyo, sidii loo heli lahaa Miisaaniyada sanadka soo socdo.

Sidoo kale Xildhibaan Abshir Maxamed Axmed “Bukhaari” Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Aqalka Sare ayaa u ballan qaaday madaxda Maamul Goboleedyada in ay kala shaqeyn doonaan, sidii xal loogu heli lahaa dhameystirka Dastuurka, iyo wada shaqeynta Dowladda Dhexe iyo Dowlad Goboleedyada xubnaha ka ah.

Waxaana uu ugu baaqay hoggaamiyeyaasha Maamul Goboleedyada in ay ka wada  shaqeeyaan danaha guud iyo hormarka ummadda Soomaaliyeed.

Waa kulankii ugu horreeyay oo ay yeeshaan Senatorada Aqalka Sare iyo madxda Maamul Goboleedyada tan iyo markii la dhisay Aqalkani, oo 15 bishan u dabaal dagi doono Sanad guurdiisa koowaad.