Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, ayaa isugu yimid Magaalada Baydhabo waxaana dood dheer ay ka yeesheen mooshinka ka dhanka ah Madaxweyne Shariif Xasan.

Xildhibaan Cibaado Cabdi Cali oo ka mid ah Mudanayaasha Baarlmaanka Koonfur Galbeed ayaa u sheegtay Idaacadda Shabelle in marnaba aysan ka laaban doonin mooshinka looga soo horjeedo Madaxweyne Shariif Xasan.

Waxaa sidoo kale ay  beenisay in hadalka u jeediyay Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo ku aadan in Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka ay gadaal ka riixayaan mooshinka looga soo horjeedo.

Hadalka Xildhibaan Cibaado Cabdi Cali ayaa imaanayo xili la aaminsan yahay in Madaxweyne Shariif Xasan uu dayacay mas’uuliyadii ka saarneyd Maamulka Koonfur Galbeed.