Muqdisho ( Sh. M. Neywork )-Ex Xildhibaan Daahir Cabdiqaadir Muuse ( Daahir Cirro)  oo u warramayay Idaacadda Shabelle ayaa uga digay Xildhibaanada Baarlamaanka Somalia in ay sameeyaan qodobo qal qal gelin kara dowladnimada Soomaaliya.

Waxa uu sheegay in loo baahan yahay in aan dib u dhac laga shaqeyn islamarkaana la taageero horumarrada dowladdu ku tallaabsatay.

Sidoo kale Siyaasiga Daahir Cirro ayaa ku baaqay in aan la niyad jabin Xukuumadda Federaalka Soomaaliya islamarkaana Xildhibaanadu aysan siyaasadeynin arrinta Cabdikariin Sheekh Muuse Qalbi Dhagax.

Muddooyinkii dambe ayaa waxaa soconayay abaabul ay wadeen Xildhibaanada qaar oo ay mooshin uga diyaarinayaan Xukuumadda Cusub taas oo bulshada inteeda badan ay ku tilmaameen in qorshahaas uu yahay mid laga leeyahay dano siyaasadeed balse aysan ka turjumeynin rabitaanka shacabka.