Muqdisho ( Sh. M. Network )-Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta warbixino kala duwan ka dhageystay Guddiyada Joogtada ah ee Golaha Shacabka, taas oo la xariirta qorshe howleedka Baarlamaanka.

Inta badan Guddiyada Joogtada ee Xildhibaanada ayaa ka hadlay waxyaabaha u qabsoomay Kalfadhiigii 1 aad iyo kan 2 aad oo hadda maraya heer gabagaba ah.

Dhinaca kale Xildhibaan Cismaan Cilmi Boqore oo ka mid ah Mudanayaasha Baarlamaanka  oo ka hadlay kulankan ayaa sheegay in loo baahan yahay in Madxada Dowladdu ay wax ka qabtaan dhibaatooyinka Muwaadiniinta Soomaaliyeed ku heysta Dalka Liibiya.

Waxaana uu xusay in dhalinyaro badan oo Soomaaliyeed ay dhibaatooyin xoogan ku heystaan Dalkaasi, loona baahan yahay in la Caawiyo.

Waa kulankii 35 aad oo qeyb ka ah Kalfadhiga labaad ee Baarlamaanka, waxaana soo xaadiray 141 Xildhibaan, iyadoona uu shir guddoomiyay Afhayeenka Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.