Jowhar ( Sh. M. Newtwork )-Mudanayaal ka tirsan Baarlamaanka Maamulka Hirshabelle ayaa masuuliyad darro ku tilmaamay weerar muddo saacado ah qaatay oo Al Shabaab ay shalay ku qabsadeen degmda Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhaxe.

Xildhibaan Duniyo Daahir Dhicisow oo ka tirsan Baarlamaanka Hirshabelle oo u warrameysay Idaacadda Shabelle aya ku eedeysay madaxwenaha maamulkaaasi Maxamed Cabdi Waare in uu sabab u ahaa in la qabsado degmada Blcad, maadaama uu lunsaday sida ay shegtay Lacagtii loogu tala galay in wax looga qabto amniga deegaanada Hirshabelle.

Waxaana sidoo kale ku eedeysay Madaxweyne Waare in uu xiriirka u jaray Dowladda Dhexe, si uu u xalaashado Lacag 1 Milyan ah oo loogu tala galay Ciidanka, si ay u xaqiijiyaan ammaanka deegaanada maamulkaasi, sida ay hadalka u dhigtay Xildhibaan Duniyo Daahir.

Dhankiisa Xildhibaan C/weli Sheekh Cali ayaa ku eedeeyay Madaxwenaha Hirshabelle in uu sameeyay masuuliyad darro weyn, islamarkaana jab xoogan ay ku tahay maamulkaasi in saacado ay gacanta ku hayaan Al Shabaab deegaano ka tirsan Hirshabelle.

Halkan hoose ka dhageyso Codka.