Magaalada Baydhabo ayaa waxaa ka socdo abaabul xoogan oo ku aadan sidii Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya, ay mooshin ka dhanka ah Madaxweyne Shariif Xasan Sheekh Aadan ugu gudbin la haayeen Guddoonka sare ee Baarlamaanka Maamulkaasi.

Xildhibaan Cabdirisaaq Maxamuud Yuusuf oo ka mid ah Mudaneyaasha Baarlamaanka Maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxuu sheegay in Xildhibaanada saxiixay mooshinka ka dhanka ah Madaxweyne Shariif Xasan in ay sii korortay.

Waxaa uu tilmaamay in Xildhibaanku in ay gaarayaan in ka badan 100 Xildhibaan, isagoona xusay in ay ka go’an tahay in talada ka tuuraan Madaxweyne Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Waxaa gaareynaa in ka badan 100 Xildhibaan, waxaana naga go’aan in aan xilka ka qaadno Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed, maadaama uu dayacay mas’uuliyadii saarneyd”, sidaasi waxaa yiri Xildhibaan Yuusuf.

Sikastaba, Magaalada Baydhabo ayaa waxaa ka socda abaabul xoogan oo looga soo horjeedo Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed, iyadoona xusid mudan in maalinba maalinta ka dambeysa uu sii kordhayo tirada saxiixeysa mooshinka ka dhanka ah Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed.