Muqdisho ( Sh. M. Network )-Xildhibaanada Golaha Aqalka sare ayaa maanta Magaalada Muqdisho ku yeeshay kulankii 14 aad oo qeyb ka ah Kalfadhiga Labaad ee Aqalka Sare.

Ugu horreyn qaar ka mid ah xubnaha Aqalka Sare ayaa keenay Mooshin la xariira wax ku kordhinta xeer hoosaadka Golaha Aqalka Sare.

Sanator Saciid Cabdi Xuseen ayaa mudanayaasha u akhriyay farqadaha cusub ee ka mid noqon doono Awoodaha Golaha Aqalka Sare, hadii ay Ansixiyaan, kuwaas oo kala ah Ansixinta Miisaaniyadda Qaranka iyo Ansixinta Xukuumadda.

Dood dheer, kadib xildhibaanada ayaa ogolaaday in Awoodaha Golaha Aqalka Sare lagu daro Ansixinta Miisaaniyadda Dowladda.

Sida uu ku dhawaaqay guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Aqalka Sare Senator Abshir Maxamed Axmed “Bukhaari”.

Intaasi, kadib xubnaha Golaha Aqalka sare ayaa ku kala aragti duwanaaday in ay Ansixyaan farqada labaad oo ahayd Ansixinta Xukuumadda.

Waxaana qaar ka mid ah Xildhibaanada Aqalka Sare ay sheegeen in qodobkan uu hareer marsan yahay Dastuurka Dalka, iyagana uusan quseyn, kana dalbaday guddoonka in dib loo celiyo.

Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Aqalka Sare Xildhibaan Abshir Maxamed Axmed “Bukhaari” ayaa sheegay in markale dib loo dhigay ka doodista arrinkaasi.

Dhinaca kale Xildhibaanada Aqalka Sare ayaa maanta ka dooday muddo kordhin lagu sameeyay Kalfadhiga Labaad ee Golaha Aqalka Sare, kaas oo ku ekaa 12 bishan November.

Waxaana ay sheegeen in loo baahanyahay muddo kordhintan, maadaama ay Kalfadhigani ay u yaalaan howlo fara badan.

27 Xildhibaan ayaa ogolaaday, halka 3 Mudane ay diideen, iydoona aysan jirin cid ka aamustay, sida uu ku dhawaaqay Senator Abshir Maxamed Axmed “Bukhaari” oo maanta shir guddoomiyay kulankii Golaha Aqalka Sare.

12 Julay ee sanadkan ayuu furmay Kalfadhiga labaad ee xildhibaanada Aqalka Sare, waxaana tan iyo xilligaasi ay meel mariyeen sharciyo muhiim ah oo uu ka mid ahaa sharciga Isgaarsiinta Qaranka.