Baydhabo ( Sh. M. Network )-Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Koonfur Galbeed ayaa xalay kulan gaar ah ku yeeshay Magaalada Baydhabo ee xarunta KMG Maamulkaasi, kaas oo ay uga hadleen Mooshinka ka dhanka madaxweyne Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Xildhibaan Feysal Sheekh Cawad oo ka mid ah Mudanayaasha Baarlamaanka Koonfur Galbeed ayaa sheegay in ay ka arrinsadeen Aayaha Maamulkaasi, si loo saxo khaladaadka haatan ka jira hoggaanka Maamulkaasi.

Waxaana ku eedeeyay madaxweyne Shariif Xasan in uu dayacay Maamulka, islamarkaana uu shaqsiyan u isticmaalay dhaqaalihii Koonfur Galbeed, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale Xildhibaan Feysal Sheekh Cawad oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa hoosta ka xariiqay in xildhibaano hor leh ay Saxiixeen Mooshinka ka dhanka ah madaxweynaha Maamulkaasi, oo uu xusay in ay xilka uga tuuri doonaan.

Ugu dambeyn Xildhibaanka ayaa ugu baaqay Siyaasiyiinta iyo Shacabka ka soo jeeda deegaanada Koonfur Galbeed in ay taageeraan Baarlamaanka, islamarkaana ay ka tashadaan Mustaqbalka iyo jiritaanka Maamulkaasi.