Wararka ka imaanaya Gobolka Sh dhexe ayaa sheegaya in weerar qorsheysan ay Al-Shabaab ku dileen Xildhibaano iyo xubno kale oo ka tirsanaa Maamulka Hirshabelle,

Dadka degaanka ayaa sheegay in Gawaari ay wateen Wafdi ka tirsan Maamulka hirshabelle oo marayay degaanka Qalimoow ii ku dhow degmada Balcad halkaasi oo lagu Dilay Mas’uuliyiintaasi,

Wafdiga ayaa ka ambabaxay Magaalada Muqdisho waxaana ay ku sii jeedeen Degmada Jowhar ee Xarunta Maamulka Hirshabelle waxaana ay wateen Gaari nooca raaxada ah iyo Gawaari Dagaal oo ay saarnaayeen Ciidamadii ilaalada u ahaa,

Wararka ayaa sheegaya inay Goobta ku dhinteen ilaa 5-ruux halka ay ku dhaawacmeen 7-kale waxaana ay sheegeen Al-Shabaab inay la wareegeen Gaari ay lahaayeen Ciidamada oo ah nooca loo yaqaano Cabdi bilaha,

Dadka goobta ku dhintay waxaa ka mid ah Xildhibaano kala ahaa

1-Xildhibaan Daahir Muqtaar  Cabdulle

2-Xildhibaan Ismaaciil Muumin Hilowle

3- iyo Muuse Afweyne oo ahaa Gudoomiye ku xigeenkii Degaanka Raagaceele oo dhamaan wada saarnaa Gaariga la Gubay.

Xarakada Al-Shabaab ayaa sheegatay Mas’uuliyadda Weerarkaasi oo ay sheegeen inay ku dileen shaqsiyaad ka mid ahaa Maamulka Hieshabelle oo ay ku jiraan Mas’uuliyiin kala duwan,