Muqdisho ( Sh. M. Network )-Kulankan oo ahaa mid ballaaran oo maanta Magaalada Muqdisho ay ku qabteen Waxgaradka, Xildhibaanada iyo Siyaasiyiinta uu ka soo jeedo Allaha u Naxariistee Xildhibaan Maxamed Cabdi Guuleed oo ka tirsanaa Baarlamaanka Galmudug islaamrkaana shalay lagu dilay Magaalada Muqdisho ayaa waxa ay ka soo saareen baaq ay ugu jeediyeen dowladda Federaalka in Cadaaladda la hor geeyo dadkii ka dambeeyay falkaasi dilka ah.

Ex Xildhibaan Xasan Keynaan oo ka mid ahaa Siyaasiyiintii ka hadashay kulankaas ayaa cod dheer ku sheegay in dilkaas ay geysteen Ilaalada Xildhibaan Maxamuud Abuukaate oo ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya islamarkaana uu Meydka Allaha u Naxariiste Marxuumka la dilay uu uga dhaqaaqay meesha wax k dhaceen.

Dhinacisa Cabdullaahi Cabdi Kulane oo ah Agaasimaha Wasaaradda Amniga Maamulka Galmudug ayaa shaaca ka qaaday in waxba kama jiraan ay tahay warar u sheegay in Xildhibaan Maxamuud Abuukaate uu ku faafiyay Warbaahinta ee ku aadanaa in Xildhibaanka la dilay inta aan Rasaasta lagu furin uu la soo baxay Bastoolad .

Ugu dambeyn Xildhibaan Ikraan Absuge oo ka tirsan Mudanayaasha Baarlamaanka Federaalka  Soomaliya ayaa ugu baaqday Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  in Cadaaladda la horgeeyo Askarigii ka dambeeyay dilkaas iyadoo tilmaamtay in wax la qadan karo  aysan ahayn shaki ayaa lagu dilay Xildhibaanka.