Muqdisho ( Sh. M. Network )- Wasiirka wasaarada Gaashaandhigga Xukumadda Soomaliya Xasan Maxamed Cali (Amar dambe) ayaa sheegay in Dowladda ay wado qorshayaal lagu dhisayo Ciidanka Xoogga Dalka ka dib markii kulan uu la qaatay xubno ka socday Gudiga Difaaca  Barlamaanaka Soomaaliya.

Wasiirka ayaa sheegay in dhamaan la kormeeray  Talisyada Ciidamada Xoogga Dalka, wuxuuna bogaadiyey dadaalka ay wadaan Saraakiisha Ciidamada isagoona Gudiga Difaaaca Barlamaanaka uga mahad celiyey howlaha kala duwan oo ay kula xisaabtamayaan Saraakiisha Ciidamada Dowlada Federalka ee Soomaaliya.

Wasiir amar dambe ayaa sheegay in dhawaan xubno ka socda gudiga Difaaca iyo wasaarada Gaashaandhigga si wadajir ah ay socdaalo ay ugu sameyn doonaan talisyada kala duwan ee Ciidamada xoogga Dalka ee ku  yaalla Maamul goboleedyada Dalka booqashadaasi ayuu sheegay in ay ugu kuurgalayaan xaaladaha dhabta ee ciidamada ku sugan Caasimadaha maamul Goboleedyada.

Tani ayaa ka dambeysay ka dib markii saacadihii la soo dhaafay kulan su”aallo weydiin ah uu la qaatay xubno ka socday Gudiga Difaaca ee Barlamaanaka Soomaaliya kaasi oo leyska xog wareysanayey Amniga Dalka.