Muqdisho (Sh. M. Network)-Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Maaliyadda ee Xukuumadda Soomaaliya Cabdullaahi Sheikh Cali Qaloocow ayaa ugu baaqay Ganacsatada Soomaaliyeed in si Sax ah ay u bixiyaan Canshuurta, si wax loogu qabto Adeegyada Bulshada.

Waxa uu sheegay in Shacabku ay fududaan doonto in ay la Xisaabtamaan madaxda dowladda, islamarkaana ay ogaan karaan waxa lagu qabto Canshuuraha laga qaado sida uu yiri.

Sidookale Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Maaliyadda ayaa hoosta ka xariiqay in si furan loo soo Bandhigi doono Miisaaniyadda Dowladda ee 2017, taas oo ay dhawaan ansixiyeen xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya.

Madaxda dowaldda Federaalka Soomaaliya ayaa ku celceliya baaqa ah in la bixiyo Canshuuraha Dalka, taasoo inta badan Cabasho ay ka timaado waxa lagu qabto.