Muqdisho ( Sh. M. Network )-Shir looga hadlayo kheyraadka Soomaaliya oo ay soo qaban qaabisay Hay’ad fadhigeedu yahay Dalka Ingiriiska ayaa Xukuumadda Soomaaliya waxa ay shaacisay in aysan ka qeb galeyn shirkaas oo lagu wado in dhawaan uu ka dhaco Magaalada Nairobi ee xarunta Dalka Kenya.

Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdirashiid Maxamed Axmed oo wareysi gaar ah siiyay Idaacadda Shabelle ayaa ka warbixiyay shirkaasi iyo waxyaabaha looga hadli doono.

Waxaana uu tilmaamay in lagu casuumay ka qeyb galka shirkan ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre iyo isaguba, balse aysan ka qeyb geli doonin, waxaana uu xusay in qabashadiisa ay leedahay Dowladda Federaalka Soomaaliya, loogana fadhiyo in ay ku qabato Magaalada Muqdisho

Shirkan oo looga arrinsanayo kheyraadka Soomaaliya ayaa la filayaa in Bisha Maarso ee sanadka soo socdo uu ka furmo Magalada Nairobi ee xarunta Dalkaasi Kenya.

Balse Xukuumadda Soomaaliya ayaa ka hor timid tallaabadaasi, waxaana ay xustay in shirkaas ay muhiim tahay in lagu qabto Magaalada Muqdisho.