Muqdisho ( Sh. M. Network )- Xukuumadda Soomaaliya ayaa muddo bil ah kadib shaacisay Magacyada iyo Sawirrada Raggii loo soo qabtay qaraxii 14 kii Bishii hore ka dhacay Isgoyska Zoobe ee Magaalada Muqdisho.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya Eng Cabdirxman Cumar Cismaan “Yariisow” ayaa Bartiisa Facebooka ku soo bandhigay Magacyada iyo Sawirrada Ragg gaaraya illaa 5 ruux, kuwaasi oo kala ah:-

  1. Mukhtar Mohamud Hassan (Gardhuub) –
  2. Abdiweli Ahmed Dirie (Abdiqani) waxaa lagu sheegay in uu ahaa madaxa qaraxyada Gobolka Benaadir, marka uu Gardhuub amarkaas ka yimaado.
  3. Hassan Aden Isaq, oo ahaa darawalkii Waday Gaarigii Noha-da, ahaa ee ku qarxay Xaafada Ceel Qalaw waana isku xirihii weerarka 14ka Oct, inta uusan wareejin Nohada ayaana Ciidanku qabteen.
  4. Ali Yusuf Waceys (Duale) oo ahaa shaqsigii loo diyaariyey inuu Noohada isku qarxiyo.
  5. Abdullahi Abdi Warsame Waa Darawalkii Gaariga TM ka waday ee isku qarxiyey Zoobe waxaana loo yaqaanay Maadey (Cismaan Xaaji).

Qaraxii Zoobe ayaa waxaa ku dhintay dad kor u dhaafaya 300 oo ruux, halka ay ku dhaawacmeen tiro intaasi ka badan, mana jirto cid sheegatay masuuliyadda Qaraxaasi.

Halkaan hoose ka Daawo Sawirrada:-