Muqdisho (Sh. M. Network)-Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda Soomaaliya Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa sheegtay in uu socdo qorshaha Ciidamada AMISOM ay kaga bixi lahaayeen Garoonka Ciyaaraha ee Stadium Muqdisho.

Ciidamada AMISOM ee Nabad ilaalinta u jooga dalka ayaa muddo sanad ah fariisin milatari ku leh Garoonka Stadium Muqdisho.

Waxaana ay sheegtay Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha in ay Wasaaraddu diyaarisay qorshihii dib u dayactir loogu sameyn lahaa Garoonkaasi marka ay faarujiyaan Ciidamada AMISOM.

Ka bixitaanka Ciidamada AMISOM ee Garoonka Stadium Muqdisho ayaa  noqoneyso Wajigii 3aad oo Ciidamadaasi looga saarayo Xarumo Muhiim u ah dolwadda Federaalka Soomaaliya iyo shacabkeeda intaba.

Hadalkaan ayey ka jeedisay Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Munaasabad Wasaaradda dhalinyarada iyo Ciyaaraha ay xariga uga jareysay  Ololo ay ugu Magac dartay Weydii Saaxiibkaa kaas oo loogu tala galay horumarinta dhalinyarada, ka hortagga Qabyaaladda iyo ka qeyb qaadashadooda Xasilinta Dalka.