Muqdisho ( Sh. M. Network )-Golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya ayaa ka hadlay Doorashda madaxtinimada Soomaaliland, kadib shir aan caadi ahayn oo shalay gelinkii dambe ay ku yeesheen Magaalada Muqdisho.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Cismaan “Eng Yarisow” oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Xukuumadda dhexe ay soo dhaweyneyso Doorashada Qof iyo codka ah ee ka dhacday deegaanada Soomaaliland.

Waxaana uu tilmaamay in doorashadaasi ay u dhacday si Dimuquraadiyad leh oo ku dayasho Mudan.

Eng Yarisow Wasiirka Wafaafinta Xukuumadda Soomaaliyaa ayaa hambalyo u diray madaxda Maamulkaasi Soomaaliland uguna hambalyeeyay sida wanaagsan ee u dhcaday doorashadaasi.

Hadalkan ka soo baxay Xukuumadda Soomaaliya ayaa imaanaya, iyadoo weli tirinta Codadka doorashada ay ka socoto deegaanada Soomaaliland, waxaana doorashadan ku tartamaya 3 musharrax oo ka mid ah Xisbiyada ugu waa weyn ee ka jira Soomaaliland.