Muqdishoi ( Sh. M. Network )-Guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna duqa Muqdisho Eng C/raxmaan Cumar Cismaan Yariisow ayaa maaanta kulan la qaatay safiirka Midgowga Yurub u fadhiya Soomaaliya Amb. Pinji Gaardiyoola.

Labada mas’uul ayaa ka wada hadlay arrimo la xariira dardar gelinta mashaariicda Ururka Midowga Yurub uu ka fuliyo gudaha Soomaaliya.

Eng C/raxmaan Cumar Cismaan Yariisow guddoomiyaha G/ Banaadir, ayaa uga mahadceliyay Ururka Midowga Yurub taageerada uu siiyo dowladda Soomaaliya.

Dhankiisa safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Amb. Pinji Gaardiyoola oo kulanka ka hadlay ayaa ballan qaaday in ay sii wadi doonaan taageerada iyo mashaariicda horumarineed ee ay ka fuliyaan gudaha dalka.

Sidoo kale waxa uu ku amaanay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya horumarada ay ka sameysay dhinacyada dhaqaalaha, aminga iyo  siyaasadda.

Ururka Midowga Yurub ayaa si weyn dhinaca dhaqaalaha uga taageera DFS, isagoona mashaariicyo horumarineed ka fuliya gudaha Soomaaliya.