Muqdisho ( Sh. M. Network )-Guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho Eng C/raxmaan Cumar Cismaan “Yariisow” ayaa maanta xarunta Aqalka dowladda hoose ku qaabilay xubno ka kala socday QM iyo dowladda Jabauuti.

Waxaana xubnahaasi kala hoggaaminyay xiriiriyaha arrimaha gargaarka Bani’aadanimada ee QM Peter de Clercq iyo safiirka Jabuutu u fadhiya Soomaaliya Ambassador Aadan Xasan Aadan.

Ugu horreyn guddomiyaha gobolka Banaadir ayaa kulan gaar ah la qaatay safiirka jabuuti, waxaana ay ka wada hadleen arrimo la xariira horumarinta Caasimmadda Muqdisho.

Guddoomiye Yariisow ayaa aqabaly in magaalada Muqdisho uu ku qaabilo dhiggiisa dalka Jabuuti.

Sidoo kale guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho Eng C/raxmaan Cumar Cismaan “Yariisow” ayaa kala hadlay xubnaha ka socday Qaramada Midoobay maareynta iyo wax u qabashada baracayaasha ku sugan M/ Muqdisho.

Dhawaad ayaa la filayaa in M/ Muqdisho ay soo gaaraan wafdi ka socda dowladda Jabuuti, kuwaas kulamo gaar gaar ah la qaadan doono mas’uuliyiinka gobolka Banaadir iyo madaxda dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-