Muqdisho ( Sh. M. Network )-Guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho Eng C/raxmaan Cumar Cismaan Yariisow ayaa waxaa uu ka warbixiyay kulan uu Xalay la qaatay laamaha ammaanka ee DFS, kaas oo looga hadlay xirnaashaha Waddooyinna ee magaalada Muqdisho.

Guddoomiye Yariisow ayaa shaaca ka qaaday in ay soo gaartay cabashooyin kala duwan oo shacabku ay ka muujiyeen xirnaashaha Waddooyinka ee M/ Muqdisho.

Waxaana uu xusay in saraakiisha laamaha ammaanku ay ka aqbaleen Codsiga uu u jeediyay oo ku aadan in si deg deg ah loo furo Waddooyinkaasi.

Halkan hoose ka dhageyso Codka.